Active Students

My Xirfad Academy waa machad waxbarasho oo casri ah, kuna dhisan maskax iyo khibrad Soomaaliyeed, ujeedkiisuna yahay horumarinta aqoonta, xirfadaha, iyo mustaqbalka dhalinyarada iyo bulshada guud ahaan.Waxaan bixinaa koorsooyin kala duwan oo si toos ah loogu baahan yahay suuqa shaqada iyo ganacsiga, kuwaas oo isugu jira tiknoolajiyad, suuq-geyn (marketing), ganacsi online ah, AI, iyo xirfado shaqsiyeed. Koorsooyinkeennu waxay ku habboon yihiin qof walba—bilow ilaa heer sare—waxayna ku dhisan yihiin casharro la fahmi karo, practical ah, isla markaana la jaanqaadaya baahida waqtiga.My Xirfad Academy kaliya ma ahan meel wax lagu barto, balse waa fursad lagu dhiso dakhli iyo mustaqbal. Arday kasta wuxuu helayaa:Affiliate / Referral link u gaar ahDashboard casri ah oo uu kula socon karo dakhliga, commissions-ka, kuna samayn karo lacag la bixid (withdrawal)Fursad uu iskood ugu shaqeysto asagoo aqoonta uu bartay adeegsanayaSidoo kale, waxaan bixinaa lataliye ganacsi iyo latalin shaqsiyeed, si aan u caawino qof kasta oo raba:Inuu bilaabo ganacsiInuu horumariyo xirfaddiisaInuu helo jihayn sax ah oo noloshiisa iyo shaqadiisa ahUjeedadeennu waa mid cad:Inaan aqoon bixinno, fursad abuurno, isla markaana dhisno bulsho awood u leh inay wax barato, wax kasbato, kuna hormarto si waarta.